Waa Kuma Goolhayaha Ugu Wanaagsan Dunidu?

0
313

Baydhabo (Radio Arlaadi)-  Goolhayaha ugu wanaagsan dunida, waxa sannadkan abaalmarintiisa haysta Alisson Becker oo Liverpool ah, kaas oo lagu maamuusay waxqabadkiisii xili-ciyaareedkii hore oo uu kooxdiisa kula guuleystay Champions League, isla markaana uu bandhig cajiib ah ka sameeyey Premier League oo hal dhibic oo kaliya lagaga qaaday.

David de Gea ayaa sannado hore kusoo guuleystay, sidoo kalena Navas ayaa gacanta loo geliyey abaal-marintan qaaliga ah, halka ay Buffon iyo xiddigo kale soo ahaayeen ragga ku suntan figta sare ee qiimaynta sannado badan.

Atletico Madrid oo u halgamaysa inay naf-adayg iskaga dhiciso Real Madrid iyo Barcelona oo dhaqaale iyo xiddigo waaweyn ku hubaysan, ayaa waxa ka dhex iftiima Jan Oblak oo qayb libaax ka ah kooxdiisa, isla markaana sameeya badbaadino layaab leh.

Bandhiggii uu Oblak sameeyey kulankii shalay ay Atletico 2-1 kaga adkaatay Levante, waxa uu furay doodda ah goolhayaha ugu wanaagsan caalamka, waxaana afkiisa ku doortay tababare Diego Simeone oo soo xushay midka ay isaga la tahay, kaas oo uu ku qiimeeyey waxqabadkiisa, laakiin ay ku ladhan tahay niyad-dhis iyo dhiirigelin.

Oblak waxa uu badbaadiyey kubbad-madaxa uu ku dhuftay Enis Bardhi oo Levante ah kulankii Wanda Metropolitano ee xalay, laakiin xogtiisu way badan tahay kulankan, waxaanu sameeyey 14 badbaadinood oo layaab leh 17 kubbadood oo lagu soo toogtay.

Tababare Diego Simeone ayaa ciyaartii xalay kaddib, waxa uu sheegay in 26 jirka kooxdiisa ee Jan Oblak uu yahay goolhayaha ugu wanaagsan dunida.

“Anaga ahaan, waa kan ugu wanaagsan dunida.” Ayuu yidhi Simeone.

“Waxa uu noo suurtogeliyey in aanu ku guuleysano ciyaar lanaga badin lahaa. Anigu ma go’aamiyo cidda ku guuleysanaysa abaalmarinta, waase caddaalad darro in aan ka hadlo goolhayeyaal kale, sababtoo ah anaga ahaan, isaga ayaa ah goolhayaha ugu wanaagsan dunida.” Ayuu raaciyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here