Varane Oo Digniin U Diray Man City Ka Hor Bilaabashada Xilli Ciyaareedka Cusub.

0
89

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Raphael Varane ayaa fariin u diray kooxda Man City ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Man United ayaa ku dhamaysatay kaalinta 3-aad ee kala saraynta premier League xilli ciyaareedkii sidoo kale waxa ay gaadhay 2 final iyada oo mid ku guulaystay mid kalena laga qaaday.

Varane ayaa sheegay in ay Man United muujisay in ay garaaci karto kooxaha ugu waaweyn adduunka sanadkii hore isla markaas ay soo qaban karaan kooxda Man City xilli ciyaareedka cusub.

“Waa in aan aamino”ayuu Varane u sheegay ESPN.

“Mararka qaar farqiga u dhexeeya koox fiican iyo koox heer sare ah waa dhinaca maskaxda, haatan waa xilli ciyaareed cusub wax walbana waa suurtagal waanan soo qaban karnaa Man City diyaar ayaan u nahay in aan ku tartano horyaalka”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here