Van Dijk Oo Fariin U Diray Maamulka Kooxdiisa.

0
70

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kabtanka Liverpool Virgil van Dijk ayaa ku booriyay maamulka kooxda inay dhamaystiraan saxiixyo dheeri ah xagaagan ka dib markii Reds lagu garaacay saxiixa xiddiga Brighton Moises Caicedo.

Liverpool ayaa Brighton kala heshiisay saxiixa Caicedo Jimcihii laakiin xiddiga ayaa iska diiday Liverpool isaga oo ka doortay chelsea.

Chelsea ayaa kadib Brighton kala heshiisay saxiixa xiddiga halka ay sidiii kale doonayaan in ay Saxiixa Romeo Lavia ku garaacaan Liverpool.

Liverpool ayaa ilaa haatan samaysay laba saxiix laakiin waxa kooxda ka tagay xiddigo badan oo ay ka mid yihiin Henderson iyo Fabinho.

Van Dijk oo ka hadlay qorshaha kooxdiisa ee suuqa xagaaga ayaa yidhi”Waxa aan haysanaa koox fiican laakiin waa in ay kooxdu samayso saxiixyo cusub ka hor inta uuna suuqu xidhmin”.

“Waa in kooxda lagu soo daraa dhawr saxiix kuwaas oo xoojinaya kooxda si aan u tartano”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here