Van Dijk oo fariin digniin ah u diray ciyaartoyda Liverpool ka hor xilli ciyaareedka cusub

0
268

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Daafaca reer Holland iyo kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa fariin digniin ah u diray ciyaartoyda Reds ka hor xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League.

Kooxda uu hoggaamiyo tababare Jurgen Klopp ee Liverpool ayaa fasalkii lasoo dhaafay hanatay horyaalka Ingiriiska oo ay sugayeen muddo 30 sano ah, waxaana ay ku qaadeen farqi dhibco oo gaaraya 18 dhibcood.

Haddaba shabakada caalamiga ah ee “Goal” ayaa shaacisay fariin uu Virgil van Dijk u diray  ciyaartoyda Reds ka hor xilli ciyaareedka cusub, wuxuuna yiri:

“Waxaan u maleynayaa inaan u aragno (xasilloonida) inay tahay caqabad weyn”.

“Waa tartan cusub oo dhamaanteen ah, waxaan joogi doonaa meel qof walba uu doonayo inuu inaga guuleysto in kabadan sidii ay aheyd sannadkan”.

“Waxaan hoos tagi doonaa cadaadis yar, laakiin waa inaan taasi ku raaxeysanaa” ayuu yiri Virgil van Dijk.

Waxaa xusid mudan in Liverpool ay habeenka sabtida soo socota kula ciyaari doonto kooxda Arsenal garoonka Wembley koobka FA Community Shield, maadaama ay labada kooxood ku soo kala guuleysteen Premier League iyo FA Cup xilli ciyaareedkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here