Van der Sar Oo Shaaca Ka Qaaday Sababtii Ay Ajax U Diiday In Ay Lisandro Martinez Ka Iibiso Arsenal.

0
243

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Edwin van der Sar ayaa xaqiijiyay in Ajax ay diiday dalabkii ay Arsenal ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca dhexe ee Lisandro Martinez ka hor inta uusan ugu dambeyntii u dhaqaaqin Manchester United.

“Waxay ahayd ra’yigeena in uu sii joogo saand kale”ayuu Van der Sar u sheegay The Times.

“Waxa aan Arsenal si cad uga diidnay dalabkii ay Arsenal ku doonaysay Lisandro, Aad ayaan ugu dagaalannay sidii aan u sii haysan lahayn isaga”.

Martinez ayaa aad loola xidhiidhinayay Arsenal ka hor intii uuna ku biirin Man United iyada oo xiddiga reer Argentine doonayay in uu isaga tago kooxda.

Arsenal ayaa doonaysay in ay xiddiga Martinez ka garab ciyaarsiiso Saliba xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu ugu dambayntii ku biiray Man United.

Xiddiga daafaca ka ciyaara ayaa haatan shaqo fiican ka qabanaya Man United isaga oo adkeeyay daafaca kooxda Man United ilaa haatan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here