Uganda oo soo saartay xayiraad ka dhan ah Ebola

0
213

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in la dhaqangelinaya tallaabooyin lagu xakameynaya faafitaanka cudurka Ebola ee halkaasi ka dillaacay oo uu ka mid yahay bandow xilliga habeenkii ah.

Xayiraaddan oo si degdeg ah u dhaqangalay ayaa saameeyay degmooyinka Mubende iyo Kassanda ee bartamaha Uganda.Sidoo kale waxaa la xiray xarumaha cibaadada ,madadaalada, suuqyada iyo goobaha lagu caweeyo.

Yoweri Museveni oo khudbad qaran jeediyay ayaa carrabka ku adkeeyay in muddo 21 cisho la xaddidaya in laga baxo ama la galo labada degmo.

Madaxweynaha Uganda waxaa uu intaasi ku daray in tan iyo 20-kii bishii hore ay 19 qof cudurka Ebola ugu dhinteen dalkaasi.Maamullada caafimaadka ayaa sheegay in cudurka uunan weli soo gaarin caasimadda Kampala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here