Turkiga oo war cusub ka soo saaray dhibaatada muhaajiriinta ee soohdinta Belarus iyo Poland

0
210

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)La taliyaha sare ee siyaasadda arrimaha dibedda ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtida maanta ah u sheegay wakaaladda wararka AFP in ku eedeynta Turkey iyo diyaaradihiisa ee dhibaatada bani’aadanimo ee ka taagan xuduudda ay Poland la wadaagto Belarus ay tahay “mid la marin habaabiyay.”

Ankara ayaa Jimcihii ka mamnuucday muwaadiniinta saddex dal oo Bariga Dhexe ah in ay ka duulaan garoommada diyaaradaha ee Turkiga, si ay u gaaraan Belarus.

Go’aankan ayaa yimid maalmo ka dib markii ay Madaxa EU Ursula von der Leyen ka dhawaajisay suurtagalnimada in cunnaqabateyn la saaro shirkadaha diyaaradaha ee ku lug leh “tahriibinta dadka.”

Turkish Airlines ayaa bixisa mid ka mid ah duulimaadyada sida aadka loo adeegsado ee taga caasimadda Belarus ee Minsk.

Laakin kaaliyaha dhanka siyaasadda dibedda ee Erdogan, Ibrahim Kalin, ayaa sheegay in eedeymaha ah in Turkigu uu si uun gacan uga geystay qalalaasaha ka taagan soohdinta ay tahay caddaalad darro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here