Turkiga oo qabtay markab siday qamadi laga soo xaday Ukraine

0
207

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Safiirka xukuumadda Kyiv ee Ankara ayaa sheegay in Turkiga uu la wareegay markab Ruushka laga leeyahay oo siday qamadi laga soo xaday Ukraine

Dacwad-oogaha Guud ee Ukraine ayaa Ankara ka codsaday inay qabato markabkan oo lagu magacaabo Zhebek Zhuly, kaas oo ku soo xirtay dekadda Turkiga.

Aqalka Kremlin ayaa sheegay in dhoofinta qamadiga aanan loo aqoonsan karin xatooyo.

Ukraine ayaa sheegtay in baaritaanno socda ay caddeyn doonaan in qamadiga laga soo xaday dalkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here