Turkiga oo ka mamnuucay cabista sigaarka goobaha leysugu yimaado.

0
249

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Turkiga ayaa Arbacadii mamnuucay in sigaar lagu cabo meelaha dadku ku badanyahay, si loo yareeyo kor u kaca ku yimid faafitaanka Koroona feyras, iyadoo dowladda uga digtay muwaadiniinta inay jabiyaan tallaabadaasi.

Kiisaska maalinlaha Covid-19 ee dalka Turkiga ayaa dhowaan soo kordhay, iyadoo 2,693 bukaan ah la diiwan geliyay shalay oo kaliya.

Ankara ayaana ugu badan kiisaskaasi meelaha laga helay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa sheegay in arrintani looga gol leeyahay in la saxo xirashada Mask-ga oo muwaadiniin badan ay hoos u dhigaan marka ay sigaarka cabayaan iyagoo ku sugan meelaha dadku ku badanyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here