Trump oo saxiixay sharci uu kasoo horjeeday in la meel mariyo

0
291

Baydhabo (Radio Arlaadi)-Madaxweyne Trump ayaa saxiixay caawinaddii fayraska corona ee ay dhawaan meel mariyeen labada aqal ee Mareykanka , ka hor saqda dhexe ee Isniinta oo ku eg misaaniyad sannadeedka.

Maaliyiin reer Mareykan ah oo ay shaqo la’aan ku dhacday ayaa ka faa’iideysanaya lacagahaasi.

Malaayiin shacabka Mareykan ah ayaa si ku meel-gaar ah u lumiyay macaashka shaqo la’aanta kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu horay ugu guuldareystay inuu saxiixo sharciga gargaarka ee loo yaqaan ‘ gargaarka Covid ‘ si loo dhaqangaliyo.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa ka digay “cawaaqib xumo” haddii Mr Trump uu sii wado dib u dhigista saxiixa laakiin xilligii loo qabtay oo Sabtidii shalayahayd ayaa hadda la dhaaftay.

Faa’iidooyinka ay heli lahaayeen dadka shaqo la’aanta ah ayuu arrinkan saameyn lahaa.

Lacag gaaraysa $ 900bn (£ 665bn) ayuu Koongaraska ansixiyay kadib bilooyin wadahadalo adag iyo tanaasul ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here