Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale dib loogu doortay xilkaas, kadib doorasho adag oo shalay ka dhacday dalka, isaga oo ka guuleystay madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris.
Guusha Donald Trump ayaa u taagan soo laabasho siyaasadeed oo la yaab leh. Waa madaxweynihii ugu horeeyay oo aan milatariga iyo salka siyaasadda Mareykanka isagoo aan ka soo jeedin laba jeer oo aan is-xigin la soo doorto.
Waxyaabaha uu ku ololeeyay waxaa ka mid ahaa wax ka qabashada dhaqaalaha iyo sicir-bararka maciishadda, iyo xakameynta soo galootiga sharci darada ah.
Guushiisa waxa ay ka dhigan tahay dib u soo laabasho cajiib ah iyada oo sumcadiisa ay u muuqatay mid burbursan. Ka dib markii ay si weyn u cambaareeyeen Dimuqraadiyiinta iyo xitaa qaar ka mid ah Jamhuuriga, wuxuu u soo baxay afar sano kale taas oo dib ugu soo celineysa awoodda ugu sarreysa ee Mareykanka.