Trump oo dacwad kusoo oogay gabadh uu adeer u yahay

0
385

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa dacwad kusoo oogay gabadh uu adeer u yahay iyo wargeyska New York Times kadib warbixin la daabacay sanadkii 2018 oo shaki looga muujiyay canshur celinta Trump.

Dacwaddan ayaa Mary Trump iyo weriyeyaal ka tirsan wargeyska ku eedeyneysaa inay galeen qorshe khiyaano ah oo lagu raadinayo dokumentiyo xasaasi ah.
Waxaana la sheegay in gabadhan ay kaalin weyn ka qaadatay warbixinta.

Mary Trump waxaa dhalay nin la dhashay Trump oo la yiraahdo Fred Trump Jr kaas oo geeriyooday 1981, gabadhan weli kama aysan hadlin dacwadda loo jeediyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here