Totti oo ka sheekeeyay wax yaabaha ku qasabay Saalax inuu ka tago kooxda Roma saddex sano ka hor

0
293

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Halyeeyga reer Talyaani iyo kooxda AS Roma ee Francesco Totti ayaa shaaca ka qaaday sababta uu uga tagay Maxamed Saalax kooxda ka dhisan caasimada Talyaaniga.

Maxamed Saalax ayaa bandhig fiican ka sameeyay  kooxda Roma sanadkii 2017, wuxuuna u dhaqaaqay Liverpool, halkaasna wuxuu ku soo bandhigay heerar kala duwan, iyadoo Reds uu la qaaday tartanka Champions League, sidoo kale waxay ku dhowyihiin in loo caleemo saaro horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Haddaba Francesco Totti ayaa wuxuu shaaca kaga qaaday bartiisa rasmiga ah ee Instagram sababta ku qasabtay Maxamed Saalax inuu ka tago kooxda Roma saddex sano ka hor, wuxuuna yiri:

“Maxamed Saalax ma uusan kaga tagin kooxda Roma rabitaankiisa”.

“Kooxda waxaa heysatay dhibaato badan ee heer dhaqaale xilligaas, laakiin Saalax ma uusan weydiisan inuu ka tago Roma”.

“Waa inaan wax walba u cadeynaa taageerayaasha, waxay ku waalan yihiin jaceylka kooxda, balse ma yaqaanaan runta”.

Si kastaba ha noqotee, caradii taageerayaasha kooxda Roma ay u qabeen Maxamed Saalax ayaa waxay ka sii dartay, kaddib markii uu gacan weyn ka geystay in isaga oo xiran maaliyada Liverpool ay kaga cirib tireen Roma semi-finalka Champions League intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2017/2018.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here