Tobannaan qof oo lagu la’yahay xeebaha Tunisia

0
118

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ugu yaraan 34 qof oo tahriibayaal ah, oo ka yimid dalalka Saxaraha ka hooseeya – oo ay ku jiraan carruur iyo kuwo baryo dhalan – ayaa lagu la’yahay xeebaha dalka Tunisia, ka dib markii ay la degtay doontii ay la socdeen.

Waa doontii shanaad oo tahriibayaal ah oo degto laba maalmood gudahood, iyadoo ilaa hadda la xaqiijiyay 7 qof inay dhinteen, 67 kalena weli la la’yahay.

Maamulka, ayaa rumeysan in doonidaasi ay ku sii jeedday dalka Talyaaniga.

Ilaalada xeebaha dalka Tunisia, ayaa lagu soo waramayaa in ay joojiyeen 56 doonyood oo ka dhoofayey dalkaasi, kuwaasoo ku sii jeeday dalka Talyaaniga, labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Houssem Jebabli oo ka tirsan Ilaalada Qaranka dowladda Tunisia, ayaa sheegay in in ka badan 3,000 oo Tahriibayaal ah la qabtay, iyagoo isku dayayay inay ka baxaan dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here