Toban qof oo ku dhintay roob mahiigaan ah oo ka da’ay dalka Yemen.

0
244

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Roob mahiigaan oo ka da’ay caasimadda dalka Yemen ee Sanca iyo deegaannada u dhow dhow ayaa waxaa ku dhimatay 1o ruux oo ay ku jiran caruur sida ay sheegeen masuuliyiinta dalka Yemen.

Afarta carruurta ah ayaa ku dhintay dhismaha ku soo dumay halka lixda qof ee kale ay ku dhinteen kadib markii gaarigii ay la socdeen uu daad ku qaaday degmo ku dhow caasimadda Sanca, sida ay sheegeen saraakiishu.

Roobab mahiigaan ah ayaa sanad walba burbur lixaad leh u gaystay dalka Yemen, iyadoo kan u danbeeyay uu socday muddo toddobaad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here