Tiro Qaxooti Rohingya ah oo Badda ku dhintay

0
126

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Samatabbixiyeyaasha ayaa sheegay in ugu yaraan todobo iyo toban qaxoonti Rohingya ah ay ku qaraqmeen xeebaha Myanmar kadib markii ay la qalibantay dooni ay la socdeen. In ka badan soddon qof ayaa weli la la’yahay.

Doontu waxay ku degtay meel u dhow Sittwe, oo ah caasimadda gobolka Rakhine. Qoxootiga Rohinga waa qowmiyad Muslim ah oo laga tira badan yahay kuwaas oo ka soo qaxay Myanmar tan iyo markii ay militariga bilaabeen in ay weerarro ku qaadaan iyaga 2017-dii. Qaar badan ayaa hadda ka baxsanaya Bangladesh xaalad xumo ka jirta xeryaha qaxootiga, iyagoo isticmaalaya wadooyin halis ah sida badda si ay uga gudbaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here