Tirada kiisaska cudurka karoona feyris ee dunida oo kordhay.

0
250

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kiisaska cudurka karoona feyris ee sida maalinlaha  ah looga diwaangeliyo dunida ayaa kordhay 11 boqolkiiba , halka tirada dhimashada ay kordhay labadii isbuuc ee la soo dhaafay si isku mid ah.

Labadii isbuuc ee la soo dhaafay ayaa lagu waramaya in tirada guud ee COVID-19 ee dunida ay kor u dhaaftay 3 malyan oo kiis.

Dalka Hindiya ayaa ka mid ah meelaha inta badan ay kordheen tirada kiisaska COVID-19 iyadoo kiisaska la diwaangeliyo maalintii ay kordheen 57 boqolkiiba.

Sidoo kale meelaha kororka tirada COVID 19 laga dareemayo ayaa waxaa ka mid ah laatiin America oo tirada kiisaska ay kordheen 36 boqolkiiba, halka bariga dhexe ay kordheen 32  boqolkiiba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here