Tirada kiisaska cudurka karoona ee laga helay dalka Hindiya oo korodhay.

0
293

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kiisaska dadka laga helayo hirka labaad ee xanuunka COVID-19 ee dalka Hindiya ayaa Sabtida maanta ah kor u dhaaftay 400,000 oo qof, xilli ay dowladda Hindiya maanta shaacisay in tallaalka cudurkan lagaga hortagayo uu u furan yahay qof walba oo qaan-gaar ah.

Saraakiisha wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Hindiya ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay la diiwaageliyay, 401,993 oo ah kiisas cusub oo cudurka COVID-19 ah, taasoo mar kale Hindiya ka dhigtay dalka 1-aad guud ahaan caalamka ee maalin gudaheed diiwaangeliya tiro intaasi la eg oo ah dad laga helay cudurka COVID-19.

Tirada dadka u dhintay saacadihii ugu danbeeyay ee xalay ilaa maanta gudaha Hindiya ayaa kor u dhaaftay 3,523, taasoo ka dhigeysa guud ahaan dadka ilaa iyo hadda cudurkaan ugu dhintay Hindiya in ka badan 211,853.

Dowladda ayaa hadda ka raja qabta in tallaalka oo loo oggolaaday dhammaan dadka qaan-gaarka ah uu wax ka baddalo xowliga uu ku socdo faafista cudur-sidaha keena xanuunkan dilaaga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here