Tirada kiisaska COVID-19 ee Hindiya oo xawaare ku socota

0
346

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Hindiya ayaa dhaaftay 6 milyan oo kiis oo Koroona feyras ah Isniinta maanta, iyadoo noqotay waddanka labaad ee adduunka ee xaaladaas la kulma.

Waxa ay diiwaan galisay 82,170 kiis oo cusub 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida lagu sheegay tirada ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Qoyska.

Waddanka kale ee kiisaska intaa ka badan laga soo weriyay waa Maraykanka oo hadda sii maraya in ka badan 7.1 milyan oo feyraskan ah, sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins.

Tirada kiisaska Hindiya ayaa si aad ah kor ugu kacay bilihii lasoo dhaafay.

Laga soo bilaabo kiiskii ugu horreeyay ee ‘Covid-19’ oo laga diiwaan geliyey Hindiya Janaayo 30, waxay qaadatay lix bilood in waddanku gaaro 1 milyan oo kiis.

Si kastaba ha noqotee, waxay qaadatay laba bilood oo dheeri ah in Hindiya ay gaarto 6 milyan oo kiis.

Tirada dhimashada dalka waxay mareysaa 95,542, iyadoo 1,039 dhimasho cusub la diiwaan geliyey 24-kii saac ee la soo dhaafey.

Ku dhowaad 72 milyan oo baaritaan ayaa la sameeyey ilaa hadda, sida ay sheegeen Golaha Cilmi-baarista Caafimaadka ee Hindiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here