Tirada dhimashada COVID-19 ee Laaatiin Ameerika oo sii kordheysa

0
283

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Tirada dhimashada waddamada laatiin Ameerika ee COVID-19 ayaa ka gudubtay 200,000 gellinkii dambe ee Sabtida, sida ay werisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Tani ayaa ka dhigan in gobolkaasi uu noqday meelaha ugu badan ee wajahay musiibada saf-marka ah ee Karona Feyras.

Marka laga soo tago Mareykanka, Baraasiil iyo Meksiko ayaa ka badan dal kasta oo dunida ah waxa ayna diiwaan galiyeen dhimashda 70%.

Baraasiil ayaa laga soo weriyay billowgii toddobaadkan in laga helay 1,595 xaaladood oo dhimasho ah iyadoo sidoo kale Sabtidiina laga soo sheegay dhimashada 1,088, dhinaca kale Meksiko ayaa sidoo kale laga diiwan gelyay 784 dhimasho ah Sabtidii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here