Tirada Dadka uu soo ridanayo Xanuunka Covid-19 oo Sare u sii Kaceysa gudaha UK

0
182

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Waxaa sare usii kacaya bukaannada uu soo ridanayo xanuunka Covid-19 ee dalka Ingiriiska sida uu ku warramay xafiiska tirikoobka ee heer qaran.
Dadka haatan qaba xanuunka ayaa tiradooda lagu sheegay 3.3 milyan oo qof taas oo la mid ah in 30-kii qofiba mkidkood uu qabo xanuunka.

Bukaannada ayaa lagu soo warramayaa in ay qabaan labada nooc ee BA.4 iyo BA.5
Xanuunka ayaa la sheegay in ay suuragal tahay dadka horay u qaatay tallaalka balse ay ka badbaadayaan badi astaamaha xanuunka.

Dadka uu soo ridanayo xanuunka ayaa la sheegay in ay da’ walba leeyihiin.
Isbitaallada dalka Ingiriiska ayaa la tacaalaya xaaladaha isa soo taraya ee bukaannada uu soo ridanayo Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here