Tirada dadka Tansaaniya oo korodhay ku dhawaad 40% tobankii sano ee la soo dhaafay.

0
168

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Tirada dadka dalka Tansaaniya, ayaa kor u kacday 44.9 milyan sanadkii 2012-kii, illaa in ka badan 60 milyan toban sano gudahood, marka loo eego natiijooyinka tirakoobka qaran ee lagu dhawaaqay Isniintii.

Tirada dadka oo kor u kacday in ka badan 37%, ayaa keentay in Madaxweynaha Tansaaniya, Samia Suluhu Xasan, ay ka digto caqabadaha ka dhalan kara tirada sii kordhaysa.

“Dadkan oo kale waxaa laga yaabaa inaysan wax weyn u ahayn dal weyn oo annaga oo kale ah, laakiin waa culeys marka ay timaado qoondeynta kheyraadka iyo bixinta adeegyada bulshada,” Madaxweyne Samia, ayaa waxaa hadalkaasi kasoo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Dumarku ayaa waxay ka yihiin 51% dadweynaha guud, marka loo eego natiijooyinka tirakoobka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here