Thomas Tuchel Waxa Uu Iska Diidi Doonaa In Uu Tababare U Noqdo Man United Hadii Halkan Arin Dhacdo.

0
199

Thomas Tuchel ayaa diidi doona inuu u dhaqaaqo Manchester United, waxaana uu sii joogi doonaa Chelsea haddii ay kooxdu xalin karto mustaqbalkooda.

Taasi waa sida uu qabo Glen Johnson, kaasoo aaminsan in tababaraha reer Germany sii joogi doono kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.

Tuchel ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Manchester United tan iyo markii Roman Abramovich Dusha laga saaray cunaqabataynta iyadoo Red Devils ay dooneyso inay ka faa’ideysato dhibaatada chelsea una dhaqaaqdo tababarihii hore ee Dortmund.

Chelsea ayaan awoodin inay iska iibiso ama la soo wareegto xiddigo cusub halka ayna sidoo kale iibin karin maaliyadaha kooxda iyo tidhidada kulamada.

Johnson ayaa aaminsan in Tuchel uu doonayo inuu sii joogo Stamford Bridge oo uusan xiiseyneynin inuu u dhaqaaqo kooxda Man United.

“Uma malaynayo in uu ka tagi doono kooxda hadii ay maamulka kooxdu si deg-deg ah u xaliyaan dhibaatada kooxda”Johnson ayaa u sheegay Bettingodds.com.

“Laakiin hadii xaaladu sii socoto ilaa 12-ka bilood ee soo socda, haa wuu ka tagi doonaa kooxda waxana uu ka fiirsan doonaa mustaqbalkiisa”.

“Hadii muddo yar lagu xaliyo dhibaatada chelsea uma malaynayo in uu xiisaynayo in uu qabto shaqada United:”ayuu hadalkiisa ku sii daray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here