Thomas Tuchel Oo Xaqiijiyay Xiddig Kooxdiisa Ah Oo Xanuunka Korona Ku Seegi Doona Kulanka Zenit.

0
235

Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay in Mateo Kovacic uu ku dhacay xanuunka Korona sidaas darteed uu seegi doono kulanka ugu dambeeya ee wareega group-yada Champions League ee ay Chelsea la ciyaari doonto Zenit Saint Petersburg.

Kovacic, 27, ayaa laga helay xanuunka kadib markii uu ku soo laabtay tababarka kana soo laabtay dhaawac uu kaga maqnaa kooxdiisa in muddo ah.

Xiddiga reer Croatia ayaa sidaas darteed muddo ku jiri doona karantiil waxana uu chelsea ka maqnaan doonaa kulamada horyaalka ee Leeds United iyo Everton.

Tuchel oo ka hor kulanka champions League kanhadlaya xaalada Kovacic ayaa yidhi”Waa dhirbaaxo weyn marka loo eego xiddiga iyo kooxdaba”.

“Mateo waxa ku dhacay xanuunka kadib markii uu kaliya shalay ku soo laabtay tababarka”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here