Thomas Tuchel Oo Loo Sheegay Waxa Looga Baahanyahay Xilli Ciyaareedkan Si Uu Tababare Ugu Sii Ahaado Chelsea.

0
258

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa in loo sheegay in uu kooxda u soo saaro tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe hadii uu doonayo in uu sii joogo kooxda chelsea waliba heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Tababaraha reer Germany ayaa shaqada ka badalay Frank Lampard todobaadkii hore isaga oo qalinka ku duugay heshiis 18 bilood ah.

Tababarihii hore ee PSG Tuchel ayaa hogaamiyay laba kulan kooxda chelsea isaga oo guul iyo bar-baro helay ilaa haatan.

Chelsea ayaa haatan ku jirta kaalinta 7-aad iyaga oo 6 dhibcood ka dambeeya kooxda kaalinta 4-aad ku jirta iyada oo 17 kulan ka dhiman yihiin xilli ciyaareedka.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in tababare Tuchel loo sheegay in uu kooxda u soo saaro champions League hadii uu doonayo in uu si joogo kooxda.

Blues ayaa la sheegayaa in ay heshiiska tababarhaa ku dartay shardi tababaruhu uu shaqadiisa ku waayi karo hadii uuna kooxda u soo saarin champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here