Thomas Tuchel Oo Kashifay Sababta Uuna Romelu Lukaku U Dhalin Goolal Kulamadii Ugu Dambeeyay.

0
329

Tababaraha kooxda Chelsea Thomas Tuchel ayaa goolal la’aanta Romelu Lukaku ee dhawaantan Ku sababeeyay daal maskaxeed oo ku yimid xiddiga reer Belguim.

Romelu Lukaku ayaan wax gool ah dhalin 471 daqiiqo isaga oo goolkii ugu dambeeyay ee uu u dhaliyay chelsea ahayd goolkii uu ka dhalyay champions League kooxda Zenit St Petersburg.

Tababare Tuchel oo gool la’aanta Romelu Lukaku ku tilmaamay daal uu dareemyo xiddigu kadib markii uu kulamo badan ciyaaray wakhtigii ugu dambeeyay.

Tuchel oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxaan dareemayaa in Romelu uu aad u dheelay. Wuxuu ciyaaray kulamo badan, waxa uu ciyaaray UEFA Nations League, Euro 2020 iyo kulamo badan oo kale”.

“Sidaas darteed arintaas ayaa keentay in uuna goolal dhalin kulamadii ugu dambeeyay”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here