Thomas Tuchel Oo Kadlay Go’aanka Uu Milkiilaha Kooxdu Ku Go’aansaday In Uu Iska Iibiyo Chelsea.

0
219

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Thomas Tuchel ayaa qirtay inuusan bilaabi karin inuu ka fikiro nolosha chelsea ee kadib Roman Abramovich.

Bilyaneerka Ruushka Abramovich ayaa xaqiijiyay in uu go’aansaday in uu iskaa iibiyo Chelsea Arbacadii xilli uu Ruushku sii waday duulaanka uu ku hayo Ukraine.

55-sano jirkaan ayaa lahaan jiray Blues tan iyo 2003dii, wuxuuna ka caawiyay inuu kooxda Stamford Bridge ku hogaamiyo 19 koob oo waaweyn.

Tababare Thomas Tuchel ayaa wax laga waydiiyay saamaynta Abramovich ee chelsea waxana uu tababaraha blues yidhi”Waa wakhti hore sababta oo ah waa war weyn”.

“Waa wakhti hore in laga hadlo sababta oo ah waxa aan ka fikirayaa chelsea oo uu hogaaminayo Roman Abramovich sidaas darteed way igu adagtahay aniga, waxana soo socda is badal weyn”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here