Thomas Tuchel Oo Ka Hadlay Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Lazio

0
92

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Thomas Tuchel, oo ah tababaraha Bayern Munich, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay guuldaradii kooxdu ka soo gaartay kooxda Lazio Kulan ka tirsanaa tartanka champions League.

Tuchel ayaa ku yiri warsaxaafadeedka, ciyaarta ka dib, “Qeybtii hore si fiican ayaan u ciyaarnay, waxaana helnay fursado badan oo aan goolal ku dhalin karno, laakiin waxaan luminay xakameynta iyo diiradda qeybtii labaad, mana garanayo sababta ka dambeysa.”

Macalinka ayaa intaa ku daray “wax walba ayaan sameynay qeybtii labaad ee ciyaarta si aan ciyaarta uga badino, kulanka maanta waxa uu ahaa mid gacanteena ku jiray, balse mar uun waan joojinay inaan aamino awoodayada inaan guuleysano, waxaana jiray qaladaad badan oo shaqsi ah”.

Tuchel oo hadalkiisa sii wata ayaa u sheegay DAZN Germany, “Waan ka niyad jabnay, waanan ka xanaaqnay guuldarada, waxaan filayaa in nalaga badiyay kulanka”.

Macalinka Bayern oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Waxaa jira qeybtii hore ee ciyaarta waxyaabo aan ku sii ambaqaadi karno, waxaan abuurnay fursado badan oo wanaagsan, waxaa jirtay fursad weyn oo uu helay Jamal Musiala, laakiin ugu dambeyntii hal shuut oo goolka ma aanan helin, sidaas darteed kuma badin karno sidaan oo kale, laakiin waxaan leenahay kulan lugta labaad ah, waxaan sii wadi doonaa inaan ku shaqeyno dhammaanteen tamartayada.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here