Thiago Silva Oo Jabiyay Rikoodh U Yaalay Didier Drogba

0
338

Daafaca dhexe ee kooxda Chelsea ee Thiago Silva ayaa jabiyay am dhaafay rikoodh uu Didier Drogba u dhigay kooxda chelsea markii uu ciyaarayay sanadkii 2015.

Thiago Silva ayaa dhaliyay goolka 1-aad ee kooxda chelsea kulankii ay Blues guuldarada kala kulantay kooxda West Ham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kadib goolkaas xiddiga Thiago Silva ayaa noqday xiddigii ugu da’da weynaa ee chelsea gool u dhaliya premier League tan ilaa Didier Drogba isaga oo jira 37 sano 73 maalmood.

Thiago ayaa sidaas ku dhaafay Halyeeyga chelsea ee Didier Drogba oo gool u dhaliyay Blues sanadkii 2015 isaga oo jiray 37 sano iyo 49 maalin markii uu gool ka dhaliyay Leicester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here