Ten Hag Oo Magacaabay Cida Iska Leh Eeda Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Copenhagen

0
61

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Tababaraha kooxda Manchester United Eric Ten Hag ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaartay kooxda Copenhagen kulan ka tirsanaa champions League.

Man United oo 2 gool ku hor martay ayaa looga badiyay 4/3 kulan ka tirsanaa wareega Group-yada ee tartanka champions League.

Ten Hag oo la hadlaya BBC ayaa yidhi”Kaadhka cas ayaa badalay ciyaarta”.

Waxa uu intaa ku daray: “Waxa nalaga dhaliyay 2 gool oo ay ahayd in aan nalaga dhalin marnaba, goolkii hore waxa uu ahaa Offside, goolkii 2-aad waxa uu ahaa rikoodhe waxana ka jira muran xitaa kaadhka cas muran ayaa ka jira”.

“Waxa nalagu dhigay 3 rikoodhe champions Leaue xilli ciyaareedkan dhamaantood ma ahyn kuwo sax ah”.

“Rashford waxa ciyaarta looga saaray si xun”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here