Tawabare Jurgen Klopp Oo Sheegey Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier League Xilli Ciyaareedkan.

0
283

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa saadaaliyay kooxdiisa ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan fikir ahaantiisa.

Chelsea ayaa haatan si ku meel gaadh ah u hogaaminaysa horyaalka premier League iyaga oo hal dhibic ka horeeya kooxaha Tottenham iyo Liverpool ka hor kulankooda maanta.

Klopp oo la hadlaya wargayska Metro ayaa yidhi”Uma malaynayo in aan xilli ciyaareedkan la tartamayno koox ama ay koox nala tartamayso”.

“Aniga fikir ahaantayda kooxda Tottenham ayaa ku jirta qaab ciyaareed fiican laakiin kooxda chelsea ayaa ah kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedkan”.

“Sababta oo ah chelsea waxa jooga xiddigo cajiib ah waana koox aan la rumaysan karin, Liverpool kooxdaas ayay haatan soo qabanaysaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here