Tartanka Gooldhalinta Premier League Oo Meel Xiiso Leh Maraya.

0
108

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tartanka Gool dhalinta premier League ayaa meel xiiso leh maraya iyada oo ay xiddigo badan ku tartamayaan durba.

Inkasta oo kaliya la ciyaaray 9 kulan waxa jira xiddigo iska muujiyay xiddigaha kale iyaga oo dhaliyay goolal badna.

Xiddiga kooxda Man City ee Erling Haaland ayaa sii wada wacdarihii uu dhigayay waxana uu dhaliyay 9 gool ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo dhaliyay 7 gool ilaa haatan xilli ciyaareedka horyaalka premier League.

Dhinaca kale xiddiga Newcastle ee Alexander Isak ayaa dhaliyay 6 gool waxana uu la mid yahay xiddiga Tottenham ee Son Seung-Min.

Halkan kaga bogo tartanka gool dhalinta premier League:

Erling Haaland (Man City) 9

Mohamed Salah (Liverpool) 7

Alexander Isak (Newcastle) 6

Son Heung-Min (Tottenham) 6

Bryan Mbeumo (Brentford) 5

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here