Tartanka Gool Dhalinta Yurub Oo Meel Xiiso Leh Marayay Lewandowski Ayaa Hogaaminaya

0
294

Tartanka Gool dhalinta Yurub ee xilli ciyaaredkan ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo Gool dhaliyaasha ugu fiican u tartamayaa in ay ku guulaystaan abaalmarinta Golden Shoe.

Xiddiga kooxda Lazio ee Ciro Immobile ayaa ku guulaystay abaalmarinta xilli ciyaareedkii hore isaga oo ku garaacay xiddigaha Robert Lewandowski, Cristiano Ronaldo, Timo Werner & Lionel Messi.

Laakiin xilli ciyaareedkan tartanka ayaa ah mid adag maadama ay xiddigo ku tartamaayaan abaalmarinta xilli ciyaareedkan.

Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa ilaa haatan hogaaminaya gool dhalinta isaga oo dhaliyay 20 gool ilaa haatan.

Waxa kaalinta 2-aad ku jira xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kaas oo dhaliyay 15 gool halka uu xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ku jiro kaalinta 3-aad isaga oo dhaliyay 13 gool.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Xiddigaha u tartamaya gool dhalinta yurub ee xilli ciyaareedkan.

No. Xiddiga Kooxda Xulka Goolasha
1. Robert Lewandowski Bayern Munich Poland 20
2. Cristiano Ronaldo Juventus Portugal 15
3. Mohamed Salah Liverpool Egypt 13
4. Erling Haaland Dortmund Norway 12
5. Romelu Lukaku Inter Milan Belguim 12
6 Kylian Mbappe PSG France 12
7. Heung-min Son Tottenham South Korea 12
8. Boulaye Dia Reims France 12
9. Lionel Messi Barcelona Argentine 11
10. Memphis Depay Lyon Holland 12

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here