Gool dhalinta horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan ayaa ah mid xiiso u leh sida tartanka loogu jiro koobka waxana ku tartamaya xiddigo badan.
Inkasta oo uuna todobaadkan wax gool ah dhalin mar kale hadana xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa hogaaminaya gool dhalinta premier League isaga oo leh 13 gool.
Waxa ku daba jooga xiddiga kooxda Tottenham ee Son Heung-Min kaas oo gool dhaliyay kulankii ay kooxdiisu garaacday Leeds United isaga oo dhaliyay hal gool.
Xiddiga kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa soo galay kaalinta 3-aad kadib markii uu dhaliyay gool kulankii ay United guusha ka gaadhay Aston Villa.
Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Gool dhalinta Premier League:
No. | Xiddiga | Kooxda | Xulka | Goolasha |
---|---|---|---|---|
1. | Mohamed Salah | Liverpool | Egypt | 13 |
2. | Son Heung-Min | Tottenham | South Korea | 12 |
3. | Bruno Fernandes | Manchester United | Portugal | 11 |
4. | Dominic Calvert-Lewin | Everton | England | 11 |
5. | Jamie Vardy | Leicester | England | 11 |
6. | Harry Kane | Tottenham | England | 10 |
7 | Patrick Bamford | Leeds | England | 10 |
8. | Callum Wilson | Newcastle | England | 8 |
9. | Wilfried Zaha | Crystal Palace | England | 8 |
10. | Alexandre Lacazette | Arsenal | France | 7 |
11 | Danny Ings | Southampton | England | 7 |
12 | Marcus Rashford | Manchester United | England | 7 |
13. | Neal Maupay | Brighton | France | 6 |
14. | Ollie Watkins | Aston Villa | England | 6 |
15 | Sadio Mané | Liverpool | Senegal | 6 |
16. | Tammy Abraham | Chelsea | England | 6 |
17. | Anwar El Ghazi | Aston Villa | Netherlands | 5 |
18. | Diogo Jota | Liverpool | Portugal | 5 |
19. | Harvey Barnes | Leicester | England | 5 |
20. | Jack Grealish | Aston Villa | England | 5 |
21. | Roberto Firmino | Liverpool | Brazil | 5 |
22. | Tomas Soucek | West Ham | Czech Republic | 5 |