Tartanka Gool Dhalinta Horyaalka Premier League Oo Meel Xiiso Leh Maraya Kadib Todobaadkii 9-aad Ee Horyaalka.

0
278

Tartanka Gool dhalinta horyaalka premier League ayaa maraya meel xiiso iyo xamaasad leh kadib markii la ciyaaray todobaadkii 9-aad ee horyaalka premier League.

Waxa jira xiddigo haatanba muujiyay rabitaankooda ama ka go’naanshohooda ah in ay ku guulaystaan gool dhalinta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Inta badan ugu yaraan 20 gool ayaa loo baahanyahay si uu xiddigu ugu guulaysto horyaalka premier League waxnaa jira xiddigo gaadhi kara waliba dhaafi kara tiradaas.

Xiddigaha Harry Kane, Sergio Aguero & Mohamed Salah oo sanadihii ugu dambeeyay ku guulaystay gool dhalinta ama si xoogan ugu tartamay ayaa ku jira tartanka laakiin mar walba meesha lagama saaro lama filaan.

Xiddiga kooxda Everton ee Dominic Calvert-Lewin ayaa ah lama filaanka aan sheegayno isaga oo wacdaro dhigaya kuna jira qaab ciyaareed cajiib ah.

Xiddiga Tottenham ee Heung-min Son ayaa dhankooda ka mid ah xiddigaha u tartamaya abaalmarinta ilaa haatanb bilowga xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here