Tammy Abraham Oo Isaga Caraabaya Chelsea Xagaaga & Sababta Oo La Ogaaday.

0
284

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Tammy Abraham ayaa lagu soo waramayaa in uu isaga tagayo kooxda chelsea suuqa xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa laga reebay shaxda Chelsea kulankii ay Blues bar-baraha 0/0 ah la gashay Man United inkasta oo uu yahay xiddiga ugu goolasha badan kooxda.

Wargayska the Telegraph ayaa sheegaya in uu Tammy Abraham doonayo in uu isaga tago kooxda xagaaga sabab la xidhiidha tababaraha cusub ee kooxda ee Thomas Tuchel.

Ilo wareedyo ku dhaw xiddiga ayaa sheegaya in uuna xiddigu haysan kalsoonida tababaraha sidaas darteed uu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaaga hadii ay wax is badali waayaan.

Tammy Abraham ayaa haatan booska kula tartamaya xiddigaha Timo Werner iyo Olivier Giroud kuwaas oo uu tababare Thomas Tuchel ku leeyahay kalsooni dheeraad ah.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Tammy Abraham haatanba xiiso ka helayo koxo badan oo premier League ah oo ay ka mid tahay Aston Villa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here