Tallaalka Karoona feyris oo hakad la galiyay iyo dad lagu tijaabiyay oo ku xanuunsaday

0
278

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Tijaabo lagu sameeynayay talaalka feyriska Corona ayaa la hakiyay guud ahaan caalamka ka dib markii dadka sida mutadawacnimada ah loogu tijaabiyay dalka UK uu jirkooda uga falceliyay si ka duwan sidii la rabay.
Waa markii labaad oo hakad la galinayo talaalka ay iska kaashanayaan
jaamacadda Oxford iyo shirkadda AstraZeneca.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in dadkii ka qeyb galay tijaabadani talaal la dhigay isbataal islamarkana baaritaan madaxbanaan lagu sameyn doono.

Waxaa uu afhayeenka intaa ku daray in seynisyahanadani ay ka go’an tahay inay mudnaanta siiyaan badqabka dadwaynaha.

In ka badan 10’000 oo mutadawiciin ah oo ku sugan dalka UK iyo dalal kale ayaa ka qeyb galay tijaabada talaalkani.

Waxaa sidoo kale talaalkan tijaabadiisa ka qeyb galay muwaadiniinta dalalka Koonfur Afrika, Brazil iyo Mareykanka.

Waxaa guud ahaan caalamka ay shirkadaha iyo dowladaha u kala cararayaan sidii loo soo saari lahaa talaal looga hortago feyriska fara’aha ba’an ku haya caalamka ee Corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here