Tallaal looga hortagayo Faayraska Corona oo tijaabadiisa 90% lagu guuleystay.

0
239

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Tallaakan ay laba shirkadood si wada jir ah u soo saareen ayaa la sheegay inuu awood u leeyahay 90% inuu ka hortagayo qofka inuu ku dhaca Faayraska Corona.

Shirakadaha soo saaray dawada ee Pfizer iyo BioNtec dawadan cusub ee ay heleen iney Saayniska iyo bani aadamkaba ay fursad wanaagsan u tahay.

Shirkaduhuna waxay sheegeen tallaalka iney ku tijaabiyeen 43,500 oo qof oo ku nool seddex dal lagu tijaabiyey aanna lagu arag tallaalkaasi wax saameyn caafimaad uu ku keenay dadki lagu tijaabiyey.

Shirkaduhuna waxay sheegeen tallaalkan la tijaabiyey si loo isticmaalo bishan November iney codsigooda oggolaashaha u gudbiyeen cidda ay quseyso.Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO waxay sheegtay tijaabada tallaal aad u badan iney socdaan, hase yeeshee tallalkan tijabadiisa lagu guuleystay uu yahay kii ugu wanaagsanaa ee la soo saaray.

Tijaabooyinka tallaal ee hadda ka hor la sameeyey waxay ahaayeen kuwa horseedi jiray dhibaatooyin kale balse, tallalkan uu la falgalo cudurka taasoo sababeysa inuu difaaca jirka uu sare u kaca sidaasina uu ula dagaallamo Faayraska Corona ee jirka ku jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here