Taliban oo haweenka dalkooda ku soo rogay amar dhaliyay caro caalami ah

0
121

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Amar ka soo baxay Taliban oo haweenka looga mamnuucay in ay u shaqeeyaan hay’adaha aan dowliga ahayn ayaa waxaa cambaareeyay  Qaramada Midoobey iyadoo ku tilmaantay tallaabadaasi mid xadgudub ku ah xuquuqda aas-aasiga ah .

Hoggaamiyaasha Islaamiga ah ayaa sheegay in haweenka u shaqeya hay’daha samafalka ay baal mareen habka lebiska Islaamka oo aaney xijaab xiran.

Wareegtadan ayaa kusoo beegmaysa maalmo un kadib markii haweenka ardayda ah laga mamnuucay jaamacadaha.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale dhaleeceeyay tallaabadan isagoo sheegay in ay tahay “mid dhibaato ku ah shacabka Afgaanistaan”

Haweenka Afgaanistaan ee ka shaqeeya hay’adaha aan dawliga ahayn ee biila qoysaskooda ayaa  BBC-da u sheegay in ay dareemayan cabsi isla markaana aaney haysan cid caawisa

Mid ka mid ah haweenkaas ayaa tiri: “Haddii aanan aadi karin shaqadayda, yaa masruufi kara qoyskayga?” Mid kale oo ah qofka kaliya ee qoyskeeda masruufa ayaa warkan ku tilmaantay mid “naxdin leh” waxayna ku adkaysatay inay u hoggaansantay xeerka labiska adag ee Taliban.

Haweeney saddexaad ayaa su’aal galisay “Akhlaaqda Islaamka” ee Taliban, iyadoo sheegtay inay hadda ku dhibtoon doonto bixinta biilasha iyo quudinta carruurteeda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here