Tahriibeyaal ku dhintay badda Mediterranean-ka iyo kuwa kale oo lagu la’yahay

0
99

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ugu yaraan 8 qof oo tahriibayaal ah ayaa dhintay 15 kalena waa la la’yahay kadib markii dooni ay la socdeen ay ku degtay xeebaha Tunisia khamiistii, xilli ay isku dayayeen in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka una sii gudbaan dalka Talyaaniga.
Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa soo badbaadiyay 14 qof oo tahriibayaal ah oo la socday dooni buux dhaaftay, taasi oo ku degtay magaalada Chebba ee gobolka Mahdia.

Sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in doonidu ay toddobaadkan kasoo baxday xeebta Ceel-awabed ee gobolka Sfax. Waxa uu intaasi ku daray in inta badan Tahriibayaasha doontaasi la socday ay u dhasheen dalka Tunisia.
Xeebta Sfax ayaa noqotay meel ay ka dhoofaan dadka saboolka ee kasoo cararaya Afrika iyo Bariga Dhexe si ay nolol dhaanta uga helan Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here