Tababare Mauricio Pochettino Oo Heegan Giliyay Koox Ingiriiska Ah.

0
270

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Man United ayaa heegan weyn galeysaa ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Mauricio Pochettino uu kooxda PSG ka tagayo marka xilli ciyaareedka uu dhamaado .

Bisha dambe ayay si dhab u ogaanayaan in macalinkaas la heli karo iyo in kale , waxa ayna baadi goobayeen in muddo ah .

Ka dib markii ay ka hareen Franche Cup oo ay reebtay kooxda Nice waxa soo baxaya warar sheegaya in macalinkaan reer Argentina uu shaqadiisa ku bad baadsan karo kaliya Champion-ka

PSG waxa ay 15-ka bishaan marti gilinayaan Real Madrid oo ay wada ciyaarayaan lugta koowaad ee wareegga 16-ka Champion-ka ka dib Spain ayay u safayaan 9-ka March

Guud ahaan hishiiska Mauricio Pochettino ee PSG waxaa ka harsan 18 bil waxa uuna ku siman yahay xagaaga 2023-ka .

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in kooxda reer France ay ku war giliyeen Mauricio Pochettino in uu baxayo marka xilli ciyaareedka uu dhamaado

Macalinkaan 49 sano jirka ah waxaa aad loola xariirinayaa shaqada United waliba xittaa ka hor Ole Gunner xilli macalinka haatan ee Ralf uu kooxdaas kula jiro hishiis dhan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here