Tababare Arteta oo ka hadlay wararka Xhaka la xiriirinaya inuu ku biirayo kooxda Roma

0
277

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Magaca ciyaaryahanka kooxda Arsenal ee Granit Xhaka ayaa lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqi karo naadiga reer Talyaani ee Roma, si uu uga hoos ciyaaro hoggaamiyaha reer Portugal ee Jose Mourinho.

Macalinka kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in Gunners ay ku dhaganaan doonto xiddigeeda khadka dhexe ee Granit Xhaka, kaasoo qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay xulka qaranka Switzerland koobabka Qaramada Yurub ee Euro 2020.

Hadalka Mikel Arteta ayaa yimid kaddib ciyaartii saaxiibtinimo ee dhex martay Arsenal iyo Chelsea, kaasoo Blues ay ku adkaaday 2-1, Granit Xhaka ayaana dhaliyay goolka kaliya ee Gunners.

Haddaba shabakada “Sky Sports” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysiga uu bixiyay tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta, wuxuuna yiri:

“Granit Xhaka wuu nala sii joogi doonaa, waa ciyaaryahan muhiim u ah kooxdeena.”

Si kastaba ha ahaatee, Mikel Arteta ayaa rajeynaya in isaga iyo wiilashiisa ay soo bandhigi doonaan si ka wanaagsan sidii ay sameeyeen xilli ciyaareedkii hore, taasoo niyad jabisay taageerayaasha kooxda reer London ee adduunka, maadaama kooxda ay dhanka kala sareynta horyaalka ku dhameysatay kaalinta sideedaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here