Tababaraha ku guuleystay abaal-marinta macalinka bisha September ee Premier League oo lagu dhawaaqay

0
328

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Waxaa shaaca laga qaaday tababaraha ku guuleystay abaal-marinta macalinka ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii lasoo dhaafay ee September.

Sida lagu xusay bogga rasmiga ah Twitter-ka ee horyaalka Premier League tababaraha kooxda Everton ee Carlo Ancelotti ayaa ku guuleystay abaal-marinta macalinkii ugu fiicnaa horyaalka Premier League ee bishii September.

Carlo Ancelotti ayaa ku guulaystay in uu kooxdiisii Everton ku hoggaamiyo inay fiida sarre ka fariisato hoggaanka Premier Leaque-ga, kaddib markii ay guul gaareen 4-tii kulan ay ka ciyaareen horyaalka, 3 kulan oo bishii hore ah iyo hal kulan oo bishan ah.

Haddaba tababare Carlo Ancelotti ayaa wuxuu abaal-marintan ku garaacay macalimiinta kala ah Klopp, Rodgers iyo Dean Smith.

Klopp, Ancelotti iyo Rodgers ayaa guulo wada gaaray saddexdii kulan ugu horeysay, halka Dean Smith uu adkaaday labo kulan, kaddib markii la baajiyay kulankoodii Isbuuca koowaad horyaalka Premier Leaque-ga ee kal ciyaareedkan 2020/21.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here