Tababar Ku Saabsan kor u qaadista Aqoonta Ganacsiga Xoolaha Oo Baydhabo Ka Furmey.

0
79

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS ayaa manta Baydhabo ka furtey tababar soconaya muddo 5 maalin kaas oo kor loogu qaadayo kobcinta aqoonta ganacsiga xoolaha ee xoola-dhaqatada soomaaliyeed.

Tababarkaan oo uu furey Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowlad Goboleedka KGS Wasiir Sandheere Maxamed Aftiin ayaa inta uu socdo looga hadli doonaa ku xirka xoola dhaqatada Soomaaliyeed ee suuqyada xoolaha waaweyn, dhisida aqoontooda maamulka,qorshe howleedka ganacsiga, adeegsiga maal-gelinada waxsoo-saarka, cudurada qatarta ku ah koritaanka, sii socodka wax soo saarka xoolaha iyo in ay ka guuraan keliya iney ku noolaadaan xoolaha una guuraan waxsoo saar xoolo ku saleysan qaab ganacsi udhaqasho.

Warkung waliba nig haaye Siid Ali Muuse Ateera 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here