Taageerayaasha Real Madrid oo saadaaliyay xiddiga ku guuleysan doono abaal-marinta Ballon d’Or 2021

0
279

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa daabacay natiijada afti uu ka sameeyay dadka soo booqday saacadihii la soo dhaafay, taasoo ku saabsan musharaxa ugu cad cad ee ku guuleysan kara abaal-marinta Ballon d’Or 2021.

Majaladda “France Football” ee dalka France ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday  liis ka kooban 30 ciyaaryahan oo u sharaxan abaal-marinta xiisaha badan ee Ballon d’Or 2021.

Dabcan Lionel Messi ayaa qeyb ka ah liiskan, dad badan ayaana rumeysan inuu yahay kan ugu cad-cad ee ku guuleysan kara abaal-marintan, kaddib markii uu kula guuleystay Copa America dalkiisa Argentina, inkastoo xilli ciyaareedkiisii ​​Barcelona uu ahaa mid aad u hooseeya.

Lionel Messi ayaa helay codadka ugu badan ee taageerayaasha kooxda Real Madrid kaddib afti ay ka qeyb galeen 20,000 oo qof, wuxuuna ka helay 34% codadka guud.

Karim Benzema oo ah weeraryahanka Real Madrid, ayaa kaalinta labaad soo galay isagoo helay 26%, taas oo ay ugu wacan tahay waxqabadkiisii ​​fiicnaa ee xilliyadii la soo dhaafay iyo hadda, marka lagu daro wacdarihii uu ka dhigay tartanka Euro 2020.

Robert Lewandowski ayaa helay 11%, wuxuuna galay kaalinta saddexaad ee liiskan, waxaana ka dambeeya xiddiga kooxda Chelsea ee N’Golo Kante oo helay 6%, halka Cristiano Ronaldo uu aftidan ka soo galay kaalinta shanaad isagoo helay kaliya 4%

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here