Suudaan oo sheegtay in aysan Maxakamadda Caalamiga ee Dambiyada ugacan galin doonin madaxwaynihii hore ee dalkaasi.

0
194

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in aysan marna Maxakamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ugacan galin doonin hogaamiyihii hore ee dalkaasi Cumar Xassan al-Bashiir.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Suudaan ayaa sheegay in golaha wasiirada ay go’aan ku gaareen in masuuliyiinta Maxakamadda ICC aanan loo gacan galin doonin madaxwayne al-Bashiir.

Madaxwaynihii hore ee Suudaan Cumar al-Bashiir oo 77 sano jir ah ayaa waxaa raadinayay Maxakamadda Caalamiga ah ee Dambiyada in kabadan 10 sano, iyadoo loo haysto dambiyo dagaal iyo falala lidi ku ah xuquuqda aadanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here