Sucuudiga oo shaaciyey in dumar qaangaarka loo oggolyahay in ay dalkaas muxram la’aan u safraan

0
199

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay in dumarka qaan-gaadhka ah loo oggol yahay inay dalkaas u safri karaan iyagoo aanu la socon nin muxram u ah.

Markii hore, Sacuudiga ayaa qasab kaga dhigi jiray dumarka doonaya inay waddankaas u tagaan Cumro ama Xaj in uu la socdo muxram ama ay tahay haweeney da’deedu ka weyn tahay 45 jir isla markaana la socota dumar kale.

Wasaaradda arrimaha xajka iyo cumrada oo go’aankan shaacisay ayaan sheegin sababta xilligan keentay in dumarka loo oggolaado inay maxram la’aan tegi karaan Maka iyo Medina.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here