Sucuudiga oo oglaaday in haweenku ciyaaraan Golf-ka

0
289

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Sucuudiga ayaa u diyaar garoobaya marti gelinta tartankii u horeeyey ee ciyaarta Golf-ka ee haweenka oo heer caalami ah oo markii uu horaysay lagu qaban doono dalkaas bisha Noofember ee soo socota.

Boqortooyada Sucuudigu waxay qaban qaabinayasaa qabashada laba tartan oo ah ciyaarta Golf-ka ee haweenka oo labaduba heer caalami ah. Ka koobaad waa tartanka Golf-ka haweenka ee Yurub oo socon doona inta u dhaxaysa 12-15 Noofember. Ka dibna waxa bilaabmi doona tartanka Golf-ka kooxaha haweenka Sucuudiga oo isna socon doona 17-19 isla bishaas.

Labada tartan waxay ka dhici doonaan garoonka Golf-ka ee Royal Greens.

Waxa marka hore lagu waday in tartannadan la qabto horaantii Maarij ee sannadkan laakiin waxa loo baajiyey fayraska korona awgii.

Agaasimaha fulinta ee qaban qaabada tartanka Golf-ka haweenka Yurub, Alexandra Armas, ayaa tidhi “aad baanu ugu faraxsannahay in aanu taariikhda galno oo aanu ka qayb qaadano qabanqaabda tartanka Golf-ka haweenka ee Sucuudiga ka dhacaya, waxaanu sidoo kalena ugu mahadnaqaynaa in Sucuudigu in aanu qabanayn oo keliya tartankaa ee xataa ka qayb galayaan haweenka Sucuudigu iyadoo weliba sannadkani yahay sannad adag oo soo food saaray ciyaaraha Golf-ka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here