Soomaaliya oo Waxbarasho Bilaash ah ugu deeqday Ardayda Suudaan

0
6

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa deeq waxbarasho oo bilaash ah ugu deeqday Ardayda u dhalatay Dalka Suudaan ee Dalka ku sugan kuwaas oo saameyn taban ku reebeen dagaallada ka socda Dalkooda.

War kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ujeedku uu yahay in la garab istaago Ardaydaan oo muddo waxbarashada ku jiray balse colaadda dalkooda ka dhacday saameysay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhiggeeda Suudaan ku bogaadisay doorkii ay ka qaadatay gacan qabashada Ardayda Soomaaliyeed muddadii uu Dalka ku jiray Burburka iyo kasoo kabashada dhibaatooyinkii laga dhaxlay colaaddii Waddanka Soo martay.

“Dowladda Suudaan waxa ay ka mid tahay dowladaha aan la ilaawi karin ee dalkeenna iyo dadkeenna soo garab istaagay dhanka u fidinta deeqaha waxbarasho ee tacliinta sare, xilli aysan dalkeenna ka jirin dowlad Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here