Soomaaliya oo laga helay kiisas hor leh oo COVID-19 ah

0
266

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa xalay soo saartay warbixintii (COVID-19) ee maalinlaha ah, waxaana lagu shaaciyey in dadkii ugu badnaa ay gudaha dalka saacadihii lasoo dhaafay ugu dhinteen cudurkan.

6-qof ayaa lagu sheegay inay saacadihii ee lasoo dhaafay Soomaaliya ugu geeriyootay xanuunka COVID-19, waxayna tani noqoneysaa tiradii ugu badneyd oo geeri ah oo hal maalin laga diiwaan geliyo gudaha dalka.

Sidoo kale Wasaarada Caafimaadka waxa ay Shaacisay in 49-qof oo kale loo diiwaan geliyey inay qabaan cudurka Karona, sida lagu shaaciyey warbixinta.

30 ka mid ah 49-ka qof ee maanta laga helay cudurkaas waa rag, halka 19-ka kalena ay dumar yihiin.

Tirada guud ee gudaha dalka Soomaaliya dadka laga helay Korona waxa ay gaartay 286 kiis, waxaa u geeriyootay 14 ruux, halka ay ka bogsadeen 6-qof.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Warbixinteeda kuma xusin halka ay ku kala noolyihiin dadkaas loo diiwaan geliyey saacadihii lasoo dhaafay inay qabaan COVID-19, sidoo kale laguma xusin goobaha ay ku kala noolaayeen kuwa u dhintay iyo kuwa ka bogsadayba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here